Dhimasho laga soo sheegayaa Nairobi iyo daadad xalay ka dhacay

Ugu yaraan saddex qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab xooggan oo saacado badan ku dhuftay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari boolis ah oo badbaadinayay qoysas ku go’doonsanaa deegaanka Kamukunji, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Maamulka ayaan weli xaqiijin dhimashada.

Muuqaalo iyo sawiro ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiidleyda oo ku xayiran iyadoo daadadku ay qarqiyeen wadooyin kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker