Farmaajo iyo Shariif oo ku baaqay shir wadatashi ah kaddib diginin ay u direen Madaxweyne Xasan Sheekh

Labadii Madaxweyne ee hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, oo war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa sheegay in la sameynayo guddi qaban qaabo oo ka shaqeynaya qabsoomidda shirweyne wadatashi.

Labada Madaxweyne ee hore ma sheegin ajandaha shirka iyo halka lagu qabanayo, balse waxa ay ku celiyeen in ay diidan yihiin nidaamka loo wado dib u eegista Dastuurka KMG ah ee hadda dooddiisa wax ka badalka ay hortaalo Barlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo iyo Shariif ayaa uga digay, waa sida ay hadalka u qoreene, Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku sii socdo dhabbe ay sheegeen in uu qardo jeex yahay, kaas oo ku saabsan beddelidda Dastuurka KMG ah, waxayna ugu baaqeen in uu ku soo laabto waddada sharciga ah.

Waxay kaloo fariin u direen guddoonka labada aqal ee Barlamaanka iyo xildhibaannada, iyagoo u sheegay in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala qaybinaya midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe, halkaas oo ay kulamo kula qaateen hoggaanka maamul goboleedka Puntland, oo iyana qaba aragti lamid ah tan ay qabaan madaxdan hore, kuna diidan yihiin nidaamka hadda Barlamaanka Soomaaliya oo dib u eegista ugu sameynayo Dastuurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker