Guddida farsamo ee heshiiska dawladaha Somaliland iyo Ethiopia oo kulan la qaatay madaxda ururrada siyaasada
Guddida farsamo ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan heshiiska dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socotay ururrada siyaasadda ee ka jira Somaliland.
Kulankan ayey xubnàha guddidu madaxda ururrada siyaasadda uga xogwarrameen halka ay marayaan hawlaha ay qaranka u qaabilsan yihiin, waxaana ay madaxda ururradu dhankooda soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ay ku kaabayaan hawlaha guddida, iyaga oo xusay inay mar kasta guddida ku garab taagan yihiin wax kasta oo ay uga baahdaan.