Rwanda oo qaabishay qaxooti dalkeeda laga dejiyay

Rwanda ayaa qaabishay 91 qof oo qaxooti iyo magangalyo doon ah oo ka yimid Liibiya iyadoo hoos imanaysa barnaamij ay taageerayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Waxay isugu jiraan 38 Suudaani ah, 33 Eriteriyaan ah, 11 Soomaali ah, 7 Itoobiyaan ah iyo laba koonfur Suudaani ah.

Qaxootiga iyo magangalyo doonka ayaa lagu raray barnaamijka socdaalka degdega ah, kaas oo la arkay 2,150 qaxooti ah oo loo qaaday Rwanda kuwaas oo laga keenayay Liibiya tan iyo 2019.

1,600 ka mid ah waxay u dhoofeen Maraykanka iyo Yurub qaybeheeda kala duwan.

Imaatinka qaxootiga iyo magangelyo doonka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Britain ay isku dayeyso in ay meel mariso sharci cusub oo u ogolaanaya in ay qaar ka mid ah magangalyo-doonka u soo dirto Rwanda, inta laga dhageysanayo dacwadooda.

Maxkamada sare ee UK ayaa horey u laashay qorshahan, iyadoo ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker