Shaqaale ka tirsan British Airways oo cunsiriyad darteed shaqada looga eryay

Laba ka tirsan shaqaalaha British Airways ayaa shaqada laga eryay ka dib markii ay Tik Tok soo galiyeen muuqaal cunsuriyad ah oo ku saabsan iyagoo ku jees jeesaya rakaab Aasiyaan ah. Muuqaalka weerarka ah ayaa waxaa duubay Holly Walton iyo Lauren Bray xilli ay ku sugnaayeen hoteel loo tamashle tago oo ku yaal Antigua oo ay bixisay shirkaddu.

Fiidiyowga, labada qof ayaa ku jees jeesay qoys Shiinees ah oo ku hadla wax yar oo Ingiriisa kuwaas oo isku dayay inay ka dalbadaan cabitaan diyaaradda. Ms Walton ayaa laga duubay muuqaal iyadoo samaynaysa muuqaal cunsuri ah oo ay ku leedahay ” khamri i sii” iyadoo ku hadlaysa lahjad Shiinees ah.

Ka dib markii muuqaalka la soo galiyay khadka internetka, saaxiibada labada nin ayaa muujiyay sida ay uga naxeen muuqaalka cunsurinimada ah. Mid ka mid ah saaxiibada ayaa sheegay in haweenku “ay si ula kac ah uga qoslinayeen” qoyska ” ayna u direen fariinta ugu xun ee suurtogalka ah.” Xubin kale oo ka tirsan shaqaalaha Aasiya ayaa yiri, ”Waan ka niyad jabay daawashada muuqaalkan. Waxay iga dhigeysaa in aan su’aalo waydiiyo diyaaradda iyo asxaabtayda. Waana in tallaabo laga qaadaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker