Farmaajo oo lagusoo dhaweeyay Garowe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lgoor dhaw gaaray magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland.waxaan halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynah Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xoguhu waxay sheegayaan in socdaalka labadaan mas’uul uu ku saabsanyahay wadatashiyo, iyadoo la ogyahay in Farmaajo iyo Sheekh Shariif ay si isku mid ah u dhaliileen hannaanka wax ka badelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo dooddiisu socoto.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada Soomaaliya ee sida adag ugu horjeestay dowladii Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Deni ayaa xilligaas marar kala duwan ku dhaliilay Farmaajo “inuu doonayo inuu nidaam doorasho oo aan suuragal ahayn dalka galiyo”. Waxaa xusid mudan in Deni xilligaas uu ahaa musharrax madaxweyne.

Hadda waxa ay ka mideysan yihiin in ay labadooduba ay kasoo horjeedaan sida ay xukuumadu u waddo wax ka bedelka dastuurka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker