Afghanistan iyo Pakistan oo loogu baaqay in ay xalliyaan khilaafka u dhaxeeya

Mareykanka ayaa ka codsaday Pakistan iyo Afgaanistaan inay is xakameyn oo ay ku xalliyaan khilaafaadka u dhaxeeya wada hadal.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu la socdo wararka sheegaya in Pakistan ay duqeymo cirka ah ka fulisay Afgaanistaan, taas oo jawaab u ah weerarkii Sabtidii lagu qaaday xarun milatari oo Pakistan ku taal.

“Waxaan aad uga xunahay khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay weerarka Pakistan iyo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarka Afgaanistaan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Aqalka Cad..

Labada dal ayaa lagu boorriyay in aaney gaysan falal argagax gelin kara rayidka.Shaqaaqada labada dal ka dhex dhacday ayaa waxaa ku dhawaacmay dad rayid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker