Xaaskii hogaamiyihii mucaaradka Ruushka oo u mahadcelisay taageerayaasheeda

Yulia Navalnya, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday hogaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny, ayaa u mahad celisay taageerayaasheeda sida ay uga qayb qaateen mudaharaadkii ” duhurnimadii shalay ee looga soo horjeeday Putin”.

Waxay qoraalkaas soo dhigtay barta X, oo hore loo odhan jiray Twitter, waxayna sheegtay inay u mahadcelinayso dadka “I garab taagnaa laga bilaabo 12 duhurnimo lix saacadood oo dhan, oo aan isku garab safnay goobta codbixinta” ee safaaradda Ruushka Berlin.

Yulia Navalnya ayaa ku baaqday in dadku safaf dhaadheer u galaan goobaha codbixinta duhurnimadii maanta oo Axad ah si ay uga soo horjeestaan madaxweyne Putin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker