Ruushka:Laba qof oo ku dhimatay weerar Ukraine ay ku qaaday Belgorod

Laba qof ayaa lagu dilay gobolka Belgorod ee dalka Ruushka tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo laga soo tuuray dalka Ukraine, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Telegram-ka ee maanta, guddoomiyaha gobolka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in labo nin oo mid ka mid ah uu ahaa 17 jir dhalinyaro ah, lagu dilay weerar toos ah oo ka dhacay dhismo gaar loo leeyahay.

Horaantii maanta, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee dalkooda uu burburiyay 10 gantaal oo Yukreeniyaan ah oo ku soo dhacay gobolka 08:30 xilliga maxalliga ah ee dalkaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker