Ruushka: Iskuullada iyo dukaamada Belgorod oo la xiray iyadoo ay jiraan duqeymo xagga cirka ah

Dukaamo iyo iskuulo ku yaala magaalada Belgorod ee dalka Ruushka ayaa la xiray ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen duqeymo ay mas’uuliyiinta dalkaasi ku eedeeyeen Ukraine.

Barasaabka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in laba qof la dilay – iyadoo ay weli socoto codeynta doorashada guud ee Vladimir Putin la filayo in uu ku guuleysan doono.

Nidaamka difaaca cirka ayaa soo riday sideed gantaal oo Ukraine laga soo ganay, ayuu yiri Mr Gladkov.

Mr Putin waxa uu Ukraine ku eedeeyay in ay isku dayayso in ay carqaladayso ololihiisa doorashada oo uu lix sano oo kale dalkaas ku sii hogaamin doono.

Ardayda Belgorod – oo u dhow xudduudda Ukraine – ma aadi doonaan dugsiga Isniinta iyo Talaadada, ayuu yiri guddoomiyaha.

Xarumaha wax laga iibsado ee Belgorod waxay xirnaan doonaan Axadda iyo Isniinta, ayuu sii raaciyay Mr Gladkov.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker