Madaxweyne Vladimir Putin oo markii shanaad doonaya inuu soo noqdo

Dadka Ruushka ku nool ayaa codeynaya in ka badan labo maalmood, waxayna codeyntaas sii soconeysaa ilaa sideeda fiitnimo waqtiga dalka.

Sidoo kale waxaa laga codeeyay dhul cusub oo ah deegaanada ay ka qabsadeen Ukraine oo hadda Ruushka ay xukunto iyadoo dagaalka dalkaas dariska la ah uu galay sanadkii saddexaad.

Ruushka waxay si buuxda duullaan ugu qaadeen Ukraine Febraayo 2022-kii ilaa markaasna dagaalka wuu socdaa.

Inkastoo Putin kaliya uusan aheyn dadka loo codeynayo hadana waxaan shaki ku jirin inuu u muuqdo kan guuleysanaya.

Kremlin-ka waxay dajiyeen qorshe siyaasadeed iyagoo meesha ka saaray cid kasta oo ka horjeeda ninknan ku dhawaad rubuc qaraniga dalka ka soo ahaa mar ra’iisul wasaare marna madaxweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker