Kenya Iyo Cuba Oo ka Heshiiyay Sidii Al Shabaab Looga soo Furan Lahaa Labo Dhakhtar Oo ay Afduubteen.

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa ka arinsaday sida ugu macquulkasan ee looga soo bad baadin karo gacanta kooxda Al Shabaab labo dhaqtar oo u dhalatay Cuba oo mudo dheer  ay afduub ahaan u heestaan kooxdaasi.

 

 

Wasiirada arimaha Debeadda Kenya iyo Cuba oo khadka telfoonka kuwada hadlay ayaa iska wareestay sida ugu macquulsan ay gacan uga geesan karaan in dib xuriyadooda u helaan labada dhaqtar ee kooxda Al Shabaab gacanta ugu jira.

 

 

Wadahadalka ay yeesheen labada dowladood ayaa la sheegay in waqti la geliyay sida ugu fudud ee loosoo afjari karo afduubka sanadka iyo afarta bilood ah oo ay ku gacan jiraan dhaqaatiirta Cuba u dhalatay ee laga afduubtay gudaha Kenya.

 

 

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa ku guul dareestay isku dayo ay marar badan doonayeen in ay kusoo furtaan labada dhaqtar ee u afduuban kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowlada Cuba horey u diiday in lacag madax furasho ah ka bixiso dhaqaatiirtaasi.

 

 

Al shabaab ayaa 12-kii April ee sanadkii hore gudaha Kenya ka afduubatay Assel Herrea Correa oo taqasusay cudurada guud iyo Landy Rodriguez Hernandez oo isna ahaa dhaqtar sameeya Qaliinada .

 

Al Shabaab ayaana la ogeyn halka ay ku hayaan dhaqaatiirsan u afduuban, waxaana marar badan ciidamada Kenya ee jooga deegaanada Jubbaland weeraro ku qaadeen goobo lagu sheegay in dhaqaatiirtan lagu hayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker