Ciidanka Dabdemiska Burco oo Ilmo yar ka soo samata-bixiyay Musqul isagoo Nool.

Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa habeenimadii xalay soo badbaadiyay Ilmo yar oo lagu riday Musqul Degmada Maxamed Cali.

Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samata-bixiyaan Suuliga isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco.

Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen Musqulo lagu riday ama ku dhacay.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa dadka falalka noocan ee arxandaradaa ka waantoobaan, tallaabo sharciga waafaqsana la marin doono.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker