Rooseetada ugu qaddiimsan abid ee la helay iyo goorta ay ahayd

Rooseetada ugu qaddiimsan ee abid la arkay waxaa 5,000 oo sano ka hor lagu isticmaalay halka hadda loo yaqaan Iiraan sida ay muujinayso daraasad cusub.

Rooseetadan casaanka ah ayaa ku jirtay weel dhagax ka samaysan oo sannadkii 2001 laga helay xabaalo ku yaal Koonfurta Iiraan balse hadda ayumbay ogaadeen cilmi baarayaashu waxa ay tahay.

Si ka duwan rooseetada casriga ah, waxaa lagu marsan jiray buraash, sidaas waxaa sheegay kooxda saynisyahannada caalamiga ah ee darsaysay alaabta.

Arrintani waxaa iftiiminaysaa “sumcadda suu jiidahsda ee dumarka noolaa xilligan oo lagu magacaabo xilligii naxaasta.

Mid ka mid ah cilmi baarayaasha ayaa BBc u sheegay in uu u malaynayo in ay rooseetadan isticmaali jirtay “haweenay ka tirsan bulshooyinka boqortooyada 5,000 oo sano ka hor”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker