Raysal Wasaare Xamse oo isbitaalka Erdogan ku booqday masuuliyiintii iyo dadkii ku dhaawacmay weerarkii habeen hore

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay booqday Isbitaalka Erdogan oo hore u ahaan jiray Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaaday hotel SYL.

Sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu, Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay “ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan”.

Weerar ay masuuliyaddiisa sheegatay kooxda Al Shabaab ayaa habeen hore ka dhacay hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada kaas oo uu dhaawac kasoo gaaray masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo u uku jiro afhayeenka xukuumadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker