Madaxweynaha Faransiisska Oo Bedelay Telfoonkiisa Gaarka Ah Iyo Sababta?

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa iska bedelay telfoonkiisa gaarka ah uu mudooyinkan isticmaalayay kadib markii la shaaciyay in uu kamid noqday telfoonada madax iyo dad badan oo caan ah oo la jabsaday.

Telfoonka Madaxweyne Macron ayaa la sheegay in uu kamid ahaa  in ka badan 50-kun oo telefono caalamka ah oo lagu jabsaday barnaamijka wax lagu basaaso ee ‘Pegasus spyware’ oo shirkad Israa’iil leedahay.

 

Madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa  xaqiijisay in la bedelay telfoonka gaarka ah Madaxweynaha , waxa ayna Madaxtooyada saraakiil katirsan sheegeen in sare loo qaaday illaalinta isgaarsiinta xasaasiga ah ee Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa.

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin Madaxweynayaal suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan dalal kala duwan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker