Kooxda jihaad doonka ah oo laga cabsi qabo in ay qafaasheen boqollaal barakacayaal ah

Haweenkan ayaa la qafaashay iyagoo xaabo ay dab ku shitaan ama iibsadaan ka guranaya meel bannaanka ka ah xerada ay ku noolaayeen.

Qaramada Midoobey ayaa dalbatay in la haysteyaasha si sharuud la’aan ah loo sii daayo.

Maxamed Malick Fall oo ah Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada Q.M ayaa sheegay in wallow aan la ogeyn tirada dhabta ah ee dadka la qafaashay, haddana lagu qiyaasayo in ay gaarayaan 200 oo qof.

Sarkaalka QM ayaa intaas ku daray in tillaabadani muujineyso halista ay ku jiran haweenka iyo hablaha yar yar ee Nayjeeriya oo weli bartilmaameed u ah kooxda Boko Haram.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker