Raiisul wasaarihii hore ee Suudaan Saadiqal Mahdi oo Geeriyooday
Raโiisul Wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa u Geeriyooday cudurka Covid-19 xilli lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbiga uu ka tirsanaa ee NUP.
Waxaana cisbitaalkan la dhigay kaddib markii Koobyoย labaatanย qof oo ka tirsan qoyska Al Mahdi ay qaadeen cudurka horraantii bishan.
Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa Raโiisul Wasaarihii Suudaan tan iyo sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.