Darawal mooto bajaaj oo xalay lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin ku labisnaa dareyska Ciidanka Booliska uu xalay darawal mooto bajaaj ku dilay Degmada Hodan.

Ninkan ayaa la sheegay in uu rasaas huwiyay darawalka, ka dibna ay u suurtagashay in uu goobtaasi ka baxsado.

Marxuumka oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday ayaa daqiiqado ka dib dhaawacaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Somali Sudanese oo ku yaala degmadaasi.

Cabdimajiid Sheekh Madyare oo wiil da’yar ahaa ayaa ka mid ahaa dhallinta reer Muqdisho ee ku shaqeysata mooto bajaajta.

Habeenkii Sabtida ayaa sidaan oo kale wade mooto bajaaj loogu dilay Degmada Shibis, iyadoo aanay jirin cid illaa iyo hadda la sheegay in dilkiisa loo soo qabtay.

Goobjoogeyaal ayaa xilligaasi sheegay in dilka uu gaystay askari ka tirsanaa Xarunta Baarista Dembiyada ee CID.

Inta badan dilalka wadayaasha mooto bajaajta loogu gaysto Magaalada Muqdisho ayaa lala xiriiriya Ciidamada Dowladda, waxaana dhif iyo naadir ah in laamaha amnigu ay gacanta ku soo dhigaan askarta dilalkaasi gaysata.

Muqdisho ayaa sanadihii ugu dambeeyay caan ku noqotay goob ay askarta ku dilaan darawalada mooto bajaajta.

Bajaajtu waa gaadiidka ugu badan ee ay adeegsadaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Muqdisho, waana mid ka mid ah ilaha dhaqaale ay ku tiirsan yihiin dhallinyarada ku nool magaalada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker