Raila Odinga: Ruto iyo Museveni oo caddeeyey in ay kala shaqayn doonaan in uu noqdo Hoggaanka Midaga Afrika

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya William Ruto sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ugu tartami lahaa jagada ugu sarreysa Midowga Afrika (AU).

Mr Odinga ayaa taageero ka raadinaya dalal kala duwan oo Afrikaan ah si ay gacan uga geystaan sidii uu u bedeli lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat marka uu xilka ka dego bisha February ee sanadka soo socda.

Mr Museveni ayaa gurigiisa Kisozi ku qaabilay Mr Ruto iyo Odinga Isniintii.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Museveni oo si adag u taageeray musharaxnimadayda iyo Madaxweyne Ruto oo si buuxda u taageeray,” Mr Odinga ayaa ku wadaagay X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.

Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa u muuqda mid ka yaabiyay dad badan oo labada dal ah.

Arrintan ayaa daba socota xifaaltankii ugu dambeeyay ee Kenya iyo Uganda iyo sida oo kale kii Mr Ruto iyo Mr Odinga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker