Xaggee marayaan dedaalada la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Qaza?

Ergada ka qaybgelaysa wadahadalada nabadeed ee ka dhacaya Paris, ayaa isku dayaya inay gaadhaan heshiis nabadeed oo lagaga hortegayo hawlgalka ay Israa’iil doonayso inay ku weerarto magaalada Rafax ee Qaza, taas oo hoy u ah in ka badan 1 million oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Israa’iil ayaa sheegtay inay weerari doonto magaalada haddii aan si dhakhso ah loo gaadhin heshiis nabadeed. Washington oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa ugu baaqday inaanay sidaasi samayn, iyada oo uga digtay in haddii ay weerar ku qaadaan Rafax inay ka dhalan doonto khasaare baaxad weyn oo soo gaadha dadka rayidka ah.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa ergada dhexdhexaadinta ee Masar kula kulmay Qaahira, si ay uga wadahadlaan, sidii loo gaadhi lahaa heshiis nabadeed. Israa’iil ayaan illaa haatan wax falcelina ka samaynin, halka ay marayaan wadahadalada Paris.

Sarkaal Xamaas u hadlay oo magaciisa qariyey ayaa sheegay inaanu ururkoodu soo bandhigin wax hindise ah oo cusub, hase ahaatee ay sugayaan, waxa ay dhexdhexaadiyayaashu kala soo kulmaan Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker