Isbahaysigii mucaaradka India oo burburay

Sannadkii hore, illaa dhowr iyo toban xisbi ayaa u midoobay sidii ay ula tartami lahaayeen Ra’iisal Wasaaraha India, Norendra Modie oo ah kii ugu taageerada badnaa muddo aad u fog. Hase yeeshee, isbahaysigii balaarnaa ayaa burburay, iyada oo ay taas sabab u ahaayeen aragtiyadooda siyaasadeed iyo kuwo shakhsi ah. Burburka ayaa ku soo beegmaya xilli muhiim ah oo doorashooyinkii qaran ay ka dhiman yihiin bilo yar.
Dadka siyaasadda India falanqeeya ayaa sheegay in tartan dhexdooda ah iyo xisbiyo iska baxay ay burburiyeen xisbigan oo la magac baxay the INDIA alliance, si uu awoodda ugala wareego xisbiga BJP ee uu hogaamiyo Modi. Dhinaca kale, taageerada Modi ayaa meel sare gaartay ka dib markii uu bishii hore furay macbadka Hinduuga ee ku yaall woqooyiga magaalada Ayodhya, isaga oo ka soo baxay ballan xisbgiisa Hinduugu uu muddo dheer ku taamayey fulinteeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker