Weerar gaystay dhimasho iyo dhawaac oo koox Falastiiniyiin ah ay ku qaadeen deegaan u dhow Daanta Galbeed

Nin Israa’iili ah ayaa lagu dilay 13 qof oo kalena waa lagu dhaawacay weerar ay saddex nin oo Falastiini ah ku qaadeen meel u dhow Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen booliiska iyo dhakhaatiirta caafimaadka.

Xoogaga weerarka soo qaaday, ayaa waxay rasaas ku fureen gaadiid ku sugnaa bar Koontarool oo u dhow Magaalada Maale Adumim.

Ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah oo hubeysan ayaa dilay labo ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday halka kii saddexaadna xabsiga la dhigay, sida ay booliisku sheegeen.

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa bogaadiyay weerarka balse ma aysan sheegan.

Waxaa kor u kacay rabshadaha ka socda Daanta Galbeed tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Qasa, kaasoo ka dhashay weeraradii dhimashada dhaliyay ee Xamaas ku qaadday 7-dii Oktoober.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker