In kabadan 70 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay dhisme ay ku sugnaayeen

Waaxda dab damiska Spain ayaa ku hawlan sidii ay u qaboojin lahaayeen dhisme aad u dheer oo ku yaalla magaalada Valencia oo uu dab qabsaday, ka hor inta aysan gudaha u gelin si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhimatay, balse waxaa laga cabsi qabaa in tirada ay kororto maadaama ilaa afar iyo toban qof oo kale aan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.

Valencia ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah.

Dabka oo socday habeenkii oo dhan ayaa si dhaqso ah ugusii fiday laba qaybood oo kale galabnimadii Khamiista.

Waxaa kiciyay dabaylo aad u sarreeya.

Su’aalo ayaa laga keenay badqabka agabyada yaalla dhismaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker