Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dhaqaatiir la sheegay in lagu dilay Jilib

Guddoomiyaha golaha shacabka ee dalka Cuba, Esteban Lazo Hernández, ayaa kenya u safray si uu sugnaan ugu helo warar aan la xaqiijin oo dhawaanahaan sheegayay in la dilay laba dhaqtar oo dalkiisa u dhashay oo sanadkii 2019-kii la afuubay.

Dr Assel Herrera Correa iyo Dr Landy Rodríguez Hernández, ayaa waxaa afduubtay al-Shabaab xilli safar shaqo ay ku jireen.

Dabayaaqadii todobaadkii hore al-Shabaab ayaa sheegtay in dhaqaatiirtan la dilay Khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka lala beegsaday guri ku yaalla magaalada Jilib ee koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka oo uu Telefishinka CNN, soo xigtay ayaa sheegay in aysan jirin cadeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in duqeyntu ay geysatay khasaare dad rayid ah, balse waxa uu intaa ku daray in Mareykanku uu baarayo sheegashada al-Shabaab ee dhimashada dhakhaatiirta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Cuba ayaa sheegtay in ay sidoo kale la xiriirtay dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya si ay faah faahin dheeraad ah uga hesho howlgallada milateri ee laga hadlayo iyo xaaladda dhakhaatiirta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker