Maraykanka oo bandhigay qorshe xabad joojin ku meel gaara ah looga dhaqan galinayo Qasa.

Maraykanka ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo jeediyay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya xabbad-joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Qasa

Qaraarka ayaa sidoo ka diga in Israa’iil ay duulaan ku qaado magaalada Rafax oo boqolaal kun oo reer Falastiiniyiinta gabaad u ah xiligan.

Mareykanka ayaa horay uga fogaaday ereyga “xabad joojin” intii lagu jiray codbixintii Qaramada Midoobay ee dagaalka, laakiin madaxweyne Joe Biden ayaa isna faallo la mid ah jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu diido qaraar kale oo qabyo ah – oo ka yimid Aljeeriya kaasoo oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadannimo oo degdeg ah.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barakacay, oo kala bar ah dadka Qasa, ayaa ku dhibaataysan halkaas oo hore loogu qasbay inay u guuraa sida Qaramada Midoobay sheegtay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker