Magaalada Cape Town oo dadku ka cabanayaan ur xun oo ka dhalatay lo’ dul joogta

Ur ka dhalatay markab lo’ sida oo ku xiran dekada magaalo xeebeedka Cape Town ee dalka koonfur Afrika ayaa dhaliyey hadal hayn gudaha magaalada ah.

Markab laga leeyahay dalka Kuwayt ayaa sida 19,000 oo neef oo lo’ah, kaas oo habeenimadii axada ku xirtay dekada magaalada Cape Town, masuulitiinta magalada ayaa ku baaqay in xal loo helo urta oo ah mid laga dareemay qaybo ka mida magaalada.

Lerato Bashing, oo 29 jir ah oo ku nool magaalada Cape Town, ayaa BBC u sheegay “Waxay ahayd urtii ugu xumayd ee aan abid la kulmo noloshayda.”

Sarkaalka magaalada u qaabilsan biyaha iyo nadaafadda, Zahid Badroodien, ayaa sheegay in markabka uu baxayo habeenimadii Isniinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker