Sida xabsiga looga siidaayay qooley looga shakisanaa inay jaajuus u ahayd Shiinaha

Danbi-baadhayaal ayaa uga shakiyay in ay shimbirtu qabanaysay shaqo basaasnimo kadib markii lagasoo qabtay meel u dhow dekedda magaalada Mumbay.

Waxaa laga helay labo faraanti oo ku xidhnaa lugaheeda kuwaas oo muujinaya erayo u muuqda af Shiinays.

Qooleyda ayaa lagu eedeeyay in ay tahay Basaas Shiinays ah, markii la xaqiijiyay in ayna ahayna dib ayaa loogu sii daayay duurka.

Shimbirta ayay saraakiil kasoo qabteen bishii May ee sanadkii tegay meel u dhow dekedda magaalada Mumbay kadibna usii qaaday Isbitaaal Xayawaanadda ee magaalada Mumbay. Waxaa se la ogaaday sideed bil ka dib in shimbirtu ahayd mid kasoo duushay Taywaan.

Booliiska ayaa shimbirta u gudbiyay Kooxda ka Hortagta Danbiyada ka Dhanka ah Xayawaanadda halkaas oo dhakhaatiir baadheyaal ahi ku qireen in shimbirtu danbi la’aan tahay sidaasna ku fasaxay.

Qooleyda ayaa inta badan lagu eedeeyaa basaasnimo guud ahaanba taariikhda iyagoo ka qayb qaata gudbinta xogaha.

Indiya ayaa sidoo kale horey u xidhay shimbiro cabsi amaan oo ay qabto awgeed. Sanadkii 2020 booliiska ku sugan gobolka Indiya maamusho ee Kashmiir ayaa qabtay qooleey uu lahaa kaluumayste reer Bakistaan ah taas oo baadhis kadib la ogaaday in ayna ahayn basaas si caadi ahna isaga soo talowday xadka labada wadan.

Gudaha sanadkii 2016 qooleey kale ayaa la xidhay kadib markii lagu eedeeyay in laga helay farriin hanjabaad ah oo ku socotay Ra’iisul Wasaaraha Indiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker