Gabadhan yar ayaa maydkeeda la helay maalmo kaddib markii ay soo dirtay baaq murugo leh

Gabadhan yar ee lagu magacaabo Hinda Rajab ayaa soo jiidatay indhaha dunida kaddib markii ay ka soo muuqatay gaari ay dhex tubnaayeen maydadka xubno qoyskeeda kamid ah, iyadoo caawimaad weydiisanaysa laakiin nasiib darro lama badbaadin oo way dhimatay.

Labo iyo toban maalmood kaddib ayaa gabdhan 6 jirka ah maydkeeda laga dhex helay qoyska intiisa kale, kuwaas oo lagu dhex dilay gaari marayay raana bootka maaliyadda ee xaafadda Tal-hawa ee koonfurta galbeed ee degmada Qasa.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale heshay maydadka labo ka tirsan shaqaalaha gargaarka oo doonayay in ay badbaadiyaan Hinda markii ay taleefanka gurmad ku soo weydiisatay.

Gabadhan yar ee Hinda ayaa gaari la saarnayd adeerkeed iyo eedadeed iyo seddex qof oo adeerkeed dhalay kuwaas oo ka baxsanayay xaafaddooda kaddib amar ka soo baxay ciidamada Israa’iil oo ahaa in ay ka baxaan degmada una baxaan dhinaca koonfureed.

Waxay u muuqataa in gaariga rasaastu haleeshay xili uu ku socday wadada jaamacadda Al-Ashar ee magaalada halkaas oo ay ku sugnaayeen taangiyada Israa’iil, waxayna galeen kaalin shidaal oo halkaas ku dhaw si ay uga gabadaan rasaasta iyo gantaallada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker