Dablay xalay weeraro ka geysatay magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ayaa habeenimadii xalay lagu dilay nin ka mid ahaa ganacsatada yar yar ee wax kuu iibiya suuqa wayn ee magaalada, kadib markii ay raasaas ku fureen dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan.

Qaar ka mida saraakiisha ammaanka ee magaalada Boosaaso oo gaadhay goobta dilku ka dhacay ayaa  sheegay, inay dablaydii hubaysnayd ee dilka geysatay ay goobtaas ka baxsadeen.

Dhinaca kalena, waxaa xalay bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka amniga Puntland Ibraahin Cartan Xaaji Bakiin. Saraakiisha amniga ayaa sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay bambooyinkan la tuuray, iyaga oo VOA u sheegay inay ku daba jiraan cidii weerarkan geysatay.

Bilihii u dambeeyey waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay qaraxyo, kuwaas oo intooda badani ay dhacaan xilliga habeenkii ah, iyada oo lala beegsanayo goobaha ganacsiga, mana jirto illaa haatan cid si toosa u sheegatay weeraradan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker