Dowlad soo saartay sharci adag oo qabanaya dadka internetka dadka ka af lagaaddeeya

Dowlada Japan ayaa qaadday talaabooyin adag oo ay wax kaga qabanayso dhibaatada ay dadkeeda kala kulmaan dhanka online-ka, sida dadka baraha bulshada dadka ku af lagaaddeeya.

Sharci lagu soo bandhigayo shuruudaha xabsiga oo qayb ka ah ciqaabaha adag ee la marsiinayo qofka dadka ka aflagaadeeya internetka ayaa laga soo saaray kalfadhiga guud ee aqalka sare ee dowalada Japan, taasoo calaamad u ah tallaabo weyn oo loo qaaday wax ka qabashada xadgudubyada dhanka internetka ah ee Japan.

Mucaaradka ugu weyn ee xisbiga Dimuqraaddiga Dastuuriga ah ee Japan iyo kuwa kale ayaa ka soo horjeestay arrintan, iyaga oo ku doodaya in sharcigan uu caburin karo dhaleeceynta loo jeediyo siyaasiyiinta dowlada iyo saraakiisha dadweynaha Japan.

Sharciga ayaa la baas mariyay, iyadoo seddex sanno kaddib dib u eegis lagu sameyn doono.

Sharcigan ayaa dhigayaa, in qofkii dhanka online-ka dadka ka caaya uu muteysan karo hal sanno oo xabsi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker