Israa’iil oo beenisay in ay u hanjabtay wasiir Koonfur Afrika

Israa’iil ayaa beenisay in ay u hanjabtay wasiirka Koonfur Afrika

Israa’iil ayaa si caro leh u beenisay sheegashada ah in ay halis ku tahay ammaanka wasiirka Koonfur Afrika, waxayna ku eedaysay in ay “dhiggya cab tahay” iyo in “ay u adeegto garabka hubaysan” ee Xamaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa ku eedaysay sirdoonka Israa’iil in ay isku dayeen in ay cabsi geliyaan ka dib dacwadda Qasa ee maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday bishii hore, markii Koonfur Afrika ay dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, iyadoo ku eedeysay Israa’iil incay xasuuq ka geysatay Qasa– eedeymahaas oo ay beenisay.

Tan iyo markaas, Naledi Pandor waxay sheegtay in ay kala hadashay wasiirka booliiska Koonfur Afrika Bheki Cele sidii uu u xoojin lahaa ammaankeeda ka dib markii ay heshay fariimo hanjabaad ah.

“Wakiilada Israa’iil, sirdoonku, [tani] waa waxa ay samaynayaan, waxayna isku dayayaan in ay ku cabsi geliyaan, waxay doonayaan in ay na joojiyaan, marka sabab baa jirta” ayey u sheegtay warbaahinta gudaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker