Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo duqeeyeeyay kaalin shidaal

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weerar habeen hore ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku garaaceen kaalin shidaal oo ku taal magaalada Kharkiv ee waqooyi bari, sida ay saraakiishu sheegeen.

Diyaaradaha Drones-ka ayaa dab xooggan ka geystay xaafad ku taal bariga magaalada, sida uu sheegay madaxa gobolka Oleh Syniehubov.

Shan xubnood oo hal qoys ah, oo ay ku jiraan ilmo yar iyo laba carruur ah, ayaa ka mid ah dadka dhintay, ayuu yiri madaxa gobolka.

Ciidamada Ruushka ayaan wax hadal ah ka soo saarin duqaymaha la soo sheegayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker