Dhallinyarada taatuuga leh oo laga celinayo xafiis dawladeed

Tiro dhallinyaro ah ayaa laga celiyay xafiiska hay’adda dhallinyarada ee dalka Kenya halkaas oo ay ka socotay shaqaale qoris loo sameynayay xafiiska.

Inkasta oo ay ku baaseen imtixiaanka jirka iyo sidoo kale shahaadooyinkii looga baahnaa si ay ugu biiraan Adeega Dhalinyarada Qaranka, waxaa lagu reebay sharraxaadaha ku yaalay jirkooda.

Dhallinyarada qaar ayaa saluugay sababta looga reebay imtixaanka ee ah taatuuga jirkooda ku sawiran, waxay ka dalbadeen madaxda in go’aanka dib u eegis lagu sameeyo.

Madaxda ayaan jawaab rasmi ah markiiba bixin, balse waxay sheegeen in ay war soo saari doonaan marka uu dhamaado imtixaanku, sida ay sheegeen warbahainta gudaha.

Hay’adaan ayaa bilowday isniintii diwaan galinta 15,000 oo ruux oo ay dooneyso in ay qorato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker