Maraykanka oo 24 saac guduhood weerar xagga cirka ah ku qaaday sedex dal oo ku yaala Bariga Dhexe

Sida aan warrarkeenii hore ku sheegnay wejigii sedexaad ee duqeymaha wadajirka ah waxa fuliyay Maraykanka iyo Ingiriiska, waxana lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaala dalka Yeman.

Ujeedada, ayaa naloogu sheegay, in la isku dayayo in la joojiyo weerarrada ka dhanka ah maraakiibta maraysa Badda Cas.

Ameerikaanku waxa ay sheegeen in ay burburiyeen lix gantaal oo ah lidka maraakiibta oo ay Xuutiyiintu isu diyaarinayeen in ay adeegsadaa.

Laakiin, tani waxay calaamad u tahay xiliga iyo muuqaalka maanta ee daganaanshiyo la’aanta ka jirta Bariga Dhexe, taas oo ah in aan ka hadlayno dqeymaha cirka ee Maraykanku ku qaaday sedex dal muddo 24 saac guduhood ah.

Waxa jiray weerarro xagga cirka ah oo habeenimadii la soo dhaafay lagu qaaday Xuutiyiinta, waxa jiray duqeymo xagga cirka ah oo habeenimadii Jimcaha lagu qaaday 85 bartilmaameed oo ku yaala wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Maraykanka ayaa tan uga jawaab celinayay weerarkii askartiisa lagu laayay ee ka dhacay Joordan.

Laakiin tani waxa ay wali caddaynaysaa in Maraykanku aanu dooneynin in xaaladdu ka sii darto, sidaa si lamid ah Iiraan ayaa ka fogaanaysa in arintu isu badasho meel aan ka noqosho lahayn laakiin waxa ka soo baxaya erayo caro leh.

Baqdaad ayaa sidoo kale caradu ka muuqataa, dawladda ayaa Maraykanka ku eedeysay in uu hurinayo xasilooni darro.

Dhaleeceynta ka dhanka ah Ameerikaanka ee gobolka ayaa adkeynaysa sida Maraykanku khatar ugu jiro in xaaladda aan daganayn ay ka sii darto.

Laakiin Maraykanku waxa ay aad isku haleynayaan ergada dublamaasiyada ee uu horboodayo xaghayaha arimaha dibadda Antony Blinken kaas oo rajo ka qaba in xabad joojin laga sameeyo marinka Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker