Cameron: “Iran waa lala xisaabtami doonaa”
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa sheegay in Iran “lagula xisaabtami doono” wakiiladeeda “, iyadoo UK iyo Mareykanka ay sii wadaan duqeymaha Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta ay Iran taageerto.
Iran ayaa beenisay inay wax door ah ku lahayd weerar lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah oo ka dhacay dalka Urdun todobaadkii hore, balse mas’uuliyadda weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa waxaa sheegtay Isbahaysiga Islaamiga ah ee Ciraaq ee ay taageerto Iran.