Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay saaka ku qaadeen deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay saaka kooxda Al-shabaab ku qaadday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.

Waxa ay sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ay dagaal la galeen kooxdii soo weerartay waxana ay ciidanka millitarigu sheegeen in halkaa Al-shabaab looga dilay dagaalyahanno gaaraya ilaa 21 iyo in sidoo kale laga gubay 4 gaari oo ay kusoo dagaal galeen.

Ciidanka millitariga ayaa intaa ku daray in xog lasoo gaarsiiyay ay suura gelisay in laga hortago kooxda weerarka soo qaaday.

Dowladdu ma aysan shaacin khasaare dhineceeda ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker