Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa Oo damiyay dab qabsaday Guri Jiingad Ah
Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad iyo daar iskugu jiray oo ku yaala degmada Gacan_libaax gaar ahaan Sheekh Nuur.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis.
Ciidanka Booliska degmadaas ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

