Dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo 120 maalmood jirsaday iyo Israa’iil oo sii kordhisay duqaymaha

Howlgalka Israa’iil ayaa wali ka sii socda magaalooyin kala duwan oo ku yaala Marinka Gaza iyadoo ay tahay maalintii 120-aad ee dagaalka.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qaza, taasoo keentay in tiro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhalato.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah, 24 saacadood gudahood, ciidamada Israa’iil waxay dileen 112 falastiiniyiin ah, iyo dhaawaca 148 qof oo muwaadiniin ah.

Tirada dhimashada ee soo gaartay isbitaallada tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayaa gaartay 27,131 qof, waxaana tirada dhaawaca ay gaartay 66,287 oo qof.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha ay ka geysanayaan magaalada Rafah.

Ciidamada ayaa sii waday duqeynta magaalada Khan Yuunis, magaalada Deir al-Balah oo ku taal bartamaha marinka Qaza iyo xaafadda Al-Sabra ee koonfurta.

Ciidamada Israa’iil ayaa wali burburinaya fagaarayaasha la deggan yahay ee galbeedka magaalada Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker