Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Kenya ka dhacay

Senetarka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in senate-ka dalka Kenya uu u yeeri doono mas’uuliyiinta Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka (Epra), oo uu ku jiro maamulaha guud, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo shilalka la mid ah qaraxii habeenkii Khamiista dhacay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, ku dhawaad ​​300 oo kalna waa ay dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari xamuul ah oo shidaal waday oo ka dhacay degmada Embakasi magaalada Nairobi.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa burbur soo gaaray, iyadoo muuqaal laga duubay goobta uu muujinayay dab aad u xooggan oo ka kacaya meel ku dhow guryo dabaqyo ah.

Taliyaha booliska Embakasi, Wesley Kimeto ayaa sheegay in ilmo uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker