Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsadeen Markab dagaal uu Mareykanku leeyahay

Afhayeen u hadlay kooxda Ansaarullah ee Yemen ayaa sheegay in ay Badda Cas ku weerareen Markab USS Greeley.

Qoraal ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli ay sii wadayaan weerarka maraakiibta Israel iyo kuwa ku socdo dakadahooda ilaa inta dagaalka Gaza la joojinayo lagana qaadayo xayiraadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta. Waxay sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan gantaalka.

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker