Boqolaal qof oo macluul ugu dhintay dalka Itoobiya Macluul

Mas’uul u hadlay Itoobiya ayaa sheegay in ku dhawaad afar boqol oo qof ay ku dhinteen gobollada waqooyi ee Tigray iyo Amhara sababo la xiriira macaluul ka dhalatay abaarta. Endale Haile, oo hogaamiya machadka dhexdhexaadinta federaalka, ayaa BBC u sheegay in dhimashadu ay dhacday lixdii bilood ee la soo dhaafay. Hadalkan ayaa ka hor imaanaya hadal horay uga soo baxay dowladda Addis Ababa oo ahaa in aysan jirin wax cadeynaya in ay dad u dhinteen gaajo. Bishii Disembar, mas’uuliyiin ka tirsan Tigrayga ayaa ka digay in macaluul la tartameysa dhibaatadii ay Itoobiya soo martay bartamihii 1980-meeyadii ay kusoo fool leedahay haddii aan si degdeg ah wax looga qaban. Dowladda ayaa sheegtay in digniintaasi ay tahay mid la buunbuuniyay laakiin waxay qiratay in abaartu ay si weyn u saameysay deegaano

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker