Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Dab-damiska

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Dab-damiska Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa ku soo dhoweeyey Wasiirka Taliska Ciidanka, isagoo warbixin ka siiyey Wasiirka shaqada muhiim ka ah ee ay Qaranka iyo guud ahaanba shacabka u hayaan, iyadoo ay yihiin Ciidanka Dab-damisku naftood hurayaal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa khudbad dhiiri-gelin ah u jeediyey Ciidanka Dab-damiska, isagoo Wasiirku faray Ciidanka in ay kor u qaadaan xoojiyaana shaqada muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan, iyagoo muujiyanaya feejignaan dheeraad iyo dedaal. Dhinaca kale Wasiirka ayaa ku amnaanay Ciidanka Dab-damiska dedaalka naf hurnimada ah ay muujiyeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker