Kulamadii labada Shirgudoon ee Wakiilada iyo Guurtida oo natiijo la,aan ku soo dhamaadey

Waxaa natiijo la,aan iyo is afgaran waa ku soo dhamaadey kulmo labadii cisho ee ugu danbeeyey Hargeysa uga socdey labada shirgudoon ee Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida .

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Yasiin Faratoon ayaa ku adkeystay inay sharci tahay xeerka Doorashooyinka ee Golihiisu u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi , isla markaana arintani ay tahay mid dhex taala Golaha wakiilada iyo xafiiska madaxweynaha .

Sidoo kale Gudoomiye Faratoon waxaa uu si adag uga diiday Gudoomiyaha Guurtida inuu soo celiyo warqadii uu dhawaan Faratoon u qoray Madaxweyne Muuse Biixi ee jawaab celinta aheyd

Gudoomiye Yasiin Faratoon waxuu ku dooday in Xeerka Doorashooyinka uu golihiisu si sharciga waafaqsan ugu gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi , isla markaana uu xeerkaas dhaqan geli doono hadii uu madaxweynuhu ku saxeexi waayo ama golihiisa ugu soo celin waayo muddo 21 Cisho ah .

9 Cisho oo kaliya ayaa ka hadhey xiligii xeerkaas dhaqan geli lahaa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker