Kalluumeysato ay horay u afduubteen burcad badeed Soomaali ah oo lasoo furtay

Kalluumeysatadii la socotay labo markab oo ay burcad badeeddu ku afduubteen xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda.

Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Sri Lanka oo lagu qabtay badda Carbeed.

Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi.

Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker