Boqoraddii quruxda ee lagu helay ka ganacsiga daroogada

Hay’adda Sharciga Maandooriyaha Qaranka (NDLEA) ayaa sheegtay in Aderinoye Queen Christmas, oo sidoo kale loo yaqaan Queen Oluwadamilola Aderinoye, ay baxsatay markii ay ciidamo gaareengurigeeda oo ku yaalla magaalada Lagos todobaadkii hore.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalku uu daba socday xog sirdoon oo la aamini karo oo ah in boqoraddii hore ee quruxda ay ku lug lahayd waxyaabo aan sharci ahayn.

“Waxaa laga soo helay gurigeeda intii lagu jiray baaritaanka ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta waxaa ka mid ah 606 garaam oo Canadian Loud ah, nooc synthetic ah oo xashiishad ah, tiro badan oo daawooyin ah oo baco ku xiran,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Ilaa hadda kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.

Eedeysane kale, oo ka soo laabtay Brazil todobaadkii hore, ayaa sidoo kale lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Murtala Muhammed, kadib markii lagu helay cabitaanka 60 xabbo oo kookayn ah, sida ay hay’addu sheegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker