Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday markabka shidaalka qaada oo lala xidhiidhiyay Britain

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa inuu jawaab u ahaa “gardarrada Mareykanka iyo Ingiriiska.” Mareykanka iyo UK ayaa horey duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta kadib weeraro lagu qaaday maraakiib marayay gobolka Badda Cas.

Maraakiibta Faransiiska, Hindiya iyo Mareykanka ayaa gargaar u fidiyay markabka gubanaya. Marlin Luanda waxay ka diiwaan gashan tahay Oceonix Services Ltd, shirkad UK laga leeyahay, waxayna ku shaqeysaa magaca Trafigura, shirkad ganacsi oo caalami ah.

Trafigura ayaa xaqiijisay in dhamaan shaqaalihii saarnaa ay bad qabaan,islamarkaana la damiyay dabkii ka kacay markabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker