Ganacsade Caan ka Ah Galmudug oo Lagu Dilay Magaalada Dhuuso mareeb
Dhuusamareeb (OWN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad muddo kooban socday oo saaka ka dhacay Gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Isla markaana ah Xarunta Maamulka Galmudug kaas oo u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan.
Is-rasaaseynta oo Geysatay khasaare ayaa timi kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay isku qabteen dhul ku yaalla duleedka magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay dagaalkaasi, kaas oo ay dadka Deegaanku Magaciisa ku sheegeen, Cabdullahi Caabi Cali.
Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ah Ganacsatada dhulka, waxaana si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb & deegaanada ku xeeran.