Muxuu yahay bustahan ay Al -Shabaab ‘kaga dhuumato’ duqeymaha cirka?

Waxaa bilowgii bishii Diidembar ee sanadkan maxkamadda ciidamada ee Muqdisho kasoo muuqday nin sida ay ciidamada amaanku sheegay, alaab u waday Al Shabaab.

Waxaa lagu eedeeyay in uu Jilib ka soo daabulay wax u muuqda bustayaal una waday Galhareeri si ay dagaalayahannada Al-Shabaab u adeegsadaan.

Qalabkan ayaa ah busteyaal ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan.

Qareenka Jamaal Yaasiin Xasan ayaa ku doodaya in agabku yahay mid ganacsi ahaan laga heli karo suuqyada, wuxuuna sheegay in dowladdu aysan wax dembi ah ku haysan eedaysanaha.

Qalabkan oo ay hore u adeegsadeen Taalibaan ayey dadka qaar is weydiinayaan waxa uu ka caawinayo dadka adeegsada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker