Dallka Afrika ku yaalla ee ay diyaardaha Israel joojinayaan inay duulimaad ku tagaan

Diyaaradda qaranka Israel ee El Al ayaa joojin doonta duullimaadyada ay ku aadeyso Koonfur Afrika dhamaadka bisha Maarso, sida maanta shirkaddu sheegtay.

iyadoo soo xiganaysa baahida macaamiisha. “Xaaladda amni ee jirta awgeed, waxaa si weyn hoos ugu dhacay dalabkii dadka Israa’iil ee u socdaalayay meelo kala duwan oo ay ku jirto Johannesburg ee Koonfur Afrika,” ayay El Al ku tiri hadal ay soo saartay.

“Marka la eego tan, laga bilaabo dhammaadka Maarso 2024, waxaan joojin doonnaa dhaqdhaqaaqa khadka Johannesburg-Tel Aviv.” Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa wax yar ka hor inta aan la gaarin go’aan maxkamada caalamiga ah ee ICJ ka soo baxa oo horudhac ah oo ku saabsan in ay Israa’iil ku amarto in ay joojiso hawl-gallada milatari ee ay ka waddo Qaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker